HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo maanta soo xirey Shirweynaha Xuquuqul Insaanka+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo maanta soo xirey Shirweynaha Xuquuqul Insaanka+SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.

Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.May be an image of 1 person, dais and text that says "tun in"May be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text that says "Natinnal ional Η Η SU S 0"May be an image of 3 people, lighting, table, wedding and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people, people studying, dais and textMay be an image of 7 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -