Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shirka madasha shirweynaha 7-aad ee garsoorka Dalka kaasoo la doonayo in lagu casriyeeyo garsoorka maanta.

Halku dhigga shirkaani 70-aad ee Garsoorka waxaa lagu sheegay   Casriyeynta garsoorka waa xoojinta Cadaalada.

Advertisement

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Koofur galbeed Dr. Axmed Cali Muuse oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in caqabadaha laga doonayo shirweynahan inuu xaliyo ay tahay sinaanta garsoorka dalka iyo ammaanka garsooraha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug Daa’uud Cali Cadow ayaa isna shirka ka sheegay inay shirka ka rajeynayaan in hormarin lagu sameeyo nidaamka casriyeynta garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Hirshabeelle ayaa isna xusay in  Garsoorayaasha dawlad Goboleedyada sanadkii hore.
“shaqooyin badan oo naf hurinimo ah ayey qabteen garsoorka Dowlad Goboleedyadu, shirweynahana waxa uu muhiim u yahay cadaalada.”ayuu yiri Cabdullaahi Maxamuud Gacal
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud oo isna hadalo ka jeediyay shirka ayaa cadeeyay in
sanadķii lasoo dhaafay Maxakamada Gobolka ay soo gaareen 2,090 gal dacwadeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobalka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa markiisa sheegay in Shirweynahan uu xal u noqon doono dib u dhacyada xilliyada qaar ku yimaada, go’aanka garsoorayaasha Soomaaliyeed.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaa Soomaaliya Xasan Macallin ayaa tilmaamay in sanadkaani Shirweynaha Garsoorka Dalka uu ku saabsan yahay sidii loo casriyeyn lahaa xeerarkii duugga ahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu ku sheegay in garsoorka iyo cadaaladdeenna uu ku socda hormarin joogta ah, Madaxweynaha wuxuu ka dalbaday  bulshada inay u kalsoonaadaan garsoorka dalka.
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais, newsroom and text

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here