MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw oo maanta ah dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee Gobolka shabeelaha dhexe halkaasoo shalay uu ka soo laabtay si uu ula kulmo wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Xassan waxaa soo dhaweeyay Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha Hirshabelle xili lagu galbinayay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka dalkeena Somalia.
Gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynuhu u sii talaabi doonaa halkaasoo lagu wado inuu ka hago dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Maalin ka hor ayay ahayd markii qarax uu ka bad baaday madaxweynuhu kaasoo lagu weeraray kolanyadii la socotay markii uu aadayay furimaha dagaalka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM