MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khud-bada uu caawa jeediyay waxaa durba laga dheehan karaa sida uu ugu dhaga nuglaaday cadaadiskii kaga yimid dalalka reer Galbeedka waliba ku darsoo Mareykanka Madaxweynuhu dan weyn buu ka leeyahay.
Madaxweynaha ayaa khud-badiisa Caawa ee munaasabada ciida ku soo qaatay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowaladiisa ee ka arag duwan.
Wuxuu cadeeyay inuu kala hadli doono sidii looga midoobi lahaa dagaalka Alshabab islamarkaana uu ka dhagesan doono aragtidooda iyo dadaalkooda ku aadan la dagaalanka Alshabab.
Sidoo kale wuxuu xusay inuu kala hadli doono siyaasiyiinta dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan nidaam Federaal ah taasoo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada u degsan.
Warka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay talooyin ka imaanayeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo dalalalka reer galbeedka kuwaasoo madaxweynaha ugu baaqayay inuu gogol dhigo lana mideeyo la dagaalanka Alshabaab,waxaana muuqata inuu madaxweyne Xassan si rasmi ah u qaatay talooyinkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM