Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa warar hòose waxay sheegayaan inuu tagayo Magaalo xeebeedka Boosaaso ee Puntland.
Wararku waxay tilmaamayaan inuu Madaxweynuhu u tagayo Boosaaso sidii uu u xalin lahaa khilaafka ka dbex jira Dowkada Somalia iyo Maamulka Puntland kaasoo sababay in labada dhinac aysan lahayn wax xiriir ah.
Madaxweyne Xassan wuxuu Boosaaso kula kulmi doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Dani iyagoona qaadan doona kulamo ay iskugu gar dhigan doonaan si ay ugu dambeyn uga heshiiyaan waxa la isku hayo..
Khilaafka wuxuu keenay in Saciid Dani ka qeybgelin shirarka Golaha wada-tashiga qaranka tan iyo 2022 markaas oo Madaxweyne Xasan loo soo doortay xilka.
Sidoo kale khilaafkaan wuxuu keenay in Dowlada Somalia ay mashaariic badan ka xanibtay puntland madaama wax wada shaqeyn aysan lahayn.
Safarkaan Madaxweyne Xassan ku doonayo inuu khilaafka ku soo xaliyo wuxuu ku soo aadayaa xili dhawaan uu Madaxweynuhu dhigay gogol uu ku casuimay maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo waliba la sheegay in Puntland aqbashay casuumaada Dowlada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM