Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.

May be an image of 1 personMay be an image of 5 people, dais and weddingMay be an image of 1 person and suitMay be an image of 5 people, suit and weddingMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 3 people, suit and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people, suit and weddingMay be an image of 3 people and people smiling
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here