HomeWarkiiMadaxweyne Xassan muxuu kala hadlay Wakiilada Midowga Yurub

Madaxweyne Xassan muxuu kala hadlay Wakiilada Midowga Yurub

Muqdisho, Abriil 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 10 people and textMay be an image of 10 people, suit and textMay be an image of 4 people, eyewear and suitMay be an image of 1 personMay be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says "‎וחחי LAAAI እያያሲያ እሳባሲያ ഡവ ነሰሲ ഫു ശമവ ၁၈၈ EUROPEAN UNION SOMALIA أممم‎"‎‎May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -