Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay dalka Jabuuti, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad ka helay dhiigiisa dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna joogi doonaa muddo hal cisho ah.

Advertisement

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin uu maalmahan waday, waxaana socdaalkiisii ugu dambeeyay uu dhowaan ku tegay waddanka Eritrea.

Ujeedka ugu wayn ee safarkan ayaa daaran xaaladda ay wajaheyso Soomaaliya, sida arrinta Itoobiya iyo sidoo kale beddalka howlgalka ATMIS oo dhacayo sanadka cusub.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here