Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudioomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadleen geerida ku timid Caalamkii weynaa ee dad badan soo baray Culuumka Diinta Islaamka Sheekh Cusmaan Xidig oo ku geeriiyooday hoygiisa Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Sheekha ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay maalmihii ugu dambeeyay kaasoo dhaqaatiirtu ay la tacaalayeen.

Advertisement

labada Masuul ayaa laba qoraal soo kala saaray kuwaasoo ay kaga tacsiyenayaan ehalada Shiikha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDA SHEEKH CISMAAN XIDIG.
Muqdisho Luulyo 20,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Magaaladda Muqdisho ku geeriyooday.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa,qaraabadiisa,eheladiisa xertiisa iyo culimada Soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridda ku timid illaahey ha u naxriistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).
Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Xidig ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn waxa uuna intii uu noolaa wakhtigiisa ugu badan geliyay fidinta cilmiga iyo faafinta diinta islaamka ,waxaana uu aqoon durugsan u lahaa tafsiirka Qu’aanka, cilmiga xadiiska, iyo fahamka fiqiga, isaga oo allifay kutubo marjic u ah culimada iyo ardayda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here