Madaxweyne Xasan Sh ayaa culeys badan kala kulmaya Itoobiya iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo isgarabsanay

Dowlada Somaliya ayaa manta gelinkii hore sheegtay in wafdi u direyso Addis Ababa si ay heshiis ula galan Itoobiya balse caawa ayay dowlada Somaliya sheegtay in Itoobiyanka ay dhibaateeyen shacab iyo askar katirsan xooga dalka

Advertisement

Damaca madaxweyne Xasan Sh ee ah inuu soo afjaro Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid dhibaato xoogan ay kala kulmeyso dowlada Somaliya

Ciidanka Itoobiyanka ayaa taageero la garab taagan Axmed Madoobe waxayna Itoobiya u aragtaa madaxweyne Axmed Madoobe inay ka dhex heli karaan dano u gaar ah

Dadka indha indheeya siyaasada Somaliya ayaa qaba in Xasan Sh uu qaadayo tilaabooyin deg deg oo aan xili hore laga baaran degin kuwaas oo u muuqda kuwo wiiqaya awooda dowlada dhexe

Waayihii dambe madaxweyne Xasan ayaa lagu tilmaamay nin taladiisa jeebka kuwata oo aan cid kala tashan waxaana soo badanaya saaxiibadii Xasan Sh oo bilaabay tuuryo dhaliileed siyaasadeed

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here