No description available.

BEIJING (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw khudbad ka jeediyay shirka ka socda Magaalada  Beijing kaasoo u dhexeeya Afrika iyo Dowlada Shiinaha, wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan.

Advertisement

Madaxweynaha wuxuu ku dheeraaday guulaha ay Dowladu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Alshabaab isagoo shirka ka sheegay inay Dowladu Alshabaab xoog uga saartay  80 degmooyin iyo deegaano isugu jira.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku daray xaalka Dowladu hagaagsan yahay marka ay hada caqabad weyn soo wajahday horumarada Dowlada kadib markii Dowlada Itoobiya heshiis sharci daro ah la gashay maamul ka tirsan Soomaaliya kaasoo ah Somaliland.

“waan ka adkaanay argagixisada caalamiga ah, hase yeeshee, natiijada Is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee Itoobiya ay la saxiixatay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya wuxuu caqabad ku yahay nabada Somalia gobolka,Afrika iyo dhamaan Dunida”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here