MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada Itoobiya ee bilihii ugu dambeeyay qabsanayay dhul ka mida Gobolka Geddo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo wareysi siiyay TV-ga Aljazeera ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya maalmihii ugu danbeeyay qabsadeen oo la wareegeen si sharci daro ah garoomo diyaaradeed iyo wadooyin muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Geddo.

Advertisement

Madaxweynaha wuxuu ku nuux nuuxsaday xadgudubyada dowladda Itoobiya ay ku hayso madax banaanida Soomaaliya oo sii kordhaya tan iyo markii ay bishii Janaayo ay heshiis is afgarad sharci daro ah la galeen maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland.

“Itoobiya ma garaneyso sharciga uu ku saleysan yahay ficiladooda ay ciidamadoodu ku qabsanayaan dhul-ka Soomaaliyeed iyagoo ku mar marsiyoonaya inay ka hor tagayaan ciidamo Masar ka socda oo Somalia imaanaya”ayuu yiri Madaxweyne Xassan.

Mar uu ka hadlayay qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso inay Badda Somalia ku soo gaarto ayuu carabka ku dhuftay laba qorshe oo ay Itoobiya wadato kuwaasoo kala ah mida koowaad inay saldhig ciidan ku yeeshaan Badda Somalia iyo mida labaad oo ah Dekad ka sameystaan Soomaaliya.

“dhamaan damaca Itoobiya waa kuwo ka hor imaanaya madax banaanida dhuleed ee Somalia mana ah wax u suurtageli kara”ayuu yiri mar kale Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here