1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka socday magaalada Muqdisho.
2- War Murtiyeed laga soo saarey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka u jiheystay doorasho Qof iyo Cod ah, diyaarna aan loo ahayn in loo laabto doorasho dadban oo muddo 24 sanno dalku ku soo jiray.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,
6- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayo Markabka ORUC REIS oo sahmin ku sameynaayo shidaalka Soomaaliya.
7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Djibouti Dileyta Maxamed Dileyta.
8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf u sameeyay xubnaha labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ugana warbixiyay ajendaha siyaasadda dowladda.
9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.
10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Mudane Methqal Mohamed oo ah ergey gaar ah oo ka socday Morocco oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka sido Boqor Maxamedka 6aad.
11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Sebastian Groth.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.
13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Dileita Maxamed Dileita.
14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka NTP 2025 – 2029.
15- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina.
16- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.
17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Bujumbura uga qaybgelay Shir-Madaxeedka 23aad ee waddamada ku mideysan Ururka COMESA ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Adan iyo Wasiirkii hore Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi Ibraahim.
19- Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa furey Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar, kaasi oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya ay ka hirgelineyso HirShabelle.
20- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta kormeeray diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP.
21- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo Soomaaliya ay la gashey dalalka Shiinaha, iyo Qatar.
22- Ciidamada Xoogga Dalka oo labanlaabey hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isla markaana khasaare badan gaarsiiyay cadowga.
23- Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo u diray Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi oo ku guulaystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.
24- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Eng. Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana ay ka wada hadleen dhiirrigelinta fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya.
25- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee dalka Cumaan.
26- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Wang Yu.
27- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.
28- Wasiirka Warfaafinta mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinaayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
29- Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali, ayaa booqday sheybaarrada lagu kala shaandheynayo muhiimadaha Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
30- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington DC kulan kula yeeshay Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka Mr. Niels Annen.
31- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler ayaa dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.
32- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulamo miro-dhal ah la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay dalalka qaaradda Yurub ee taageera horumarinta dhaqaalaha soomaaliya.
33- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (2025-2029-ka ).
34- Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahu Sheekh Ismaaciil ayaa ka qeybgalay hawlgallo lagu xaqiijinayey amniga caasimadda oo ay sameeyeen Taliska Booliska Gobolka Banaadir .
35- Ciidamada Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shabakad ka kooban afar xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ka shaqeynayay dilalka shacabka iyo ganacsatada.
36- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan sugidda amniga.
37- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Turkiga .
38- Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Dhasheeg Waamo ee gobolka Jubbada Hoose, hallkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsan khawaarijta iyo maleeshiyaad kale.
39- Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
40- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.
41- .Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis ee Mareykanka oo soo dhoweyn u sameeyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Danjire Dahir Xasan Carab.
42- Hawlgalka KMG ee Qaramada Midoobay UNTMIS oo maanta si rasmi ah u bilawdey, kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee UNSOM, kadib go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee maalintii Arbacada.
-Dhammaad-
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here