Muqdisho, Juunyo 7, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Dalladan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo timaamay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.
“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan. Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, table, television and newsroomMay be an image of 5 people, television, newsroom and text that says "Museveni Museveni-Uganda -Uganda MNT H.E. SALVA MAYARDI WCHPESDENSTEOEEBE BAZOMBANZA-BURUN VICE-PRESIDENT PROSPE KENYA R.SAMIAS HASSAN TANZANIA HE.DR.HASSAN SHEIKH MOHAMUD-SOMALIA HEDRHASANSHEKHMCHAMUD.SOMALIA 1CHAMUD Pres, Kagame Rwanda JUMJYAYAAFRKANAS-URM LIVESTREAM X EACICT EAC Interpreter_En_F... Interpreter_En_Fr_EAC En_Fr_EAC Interpreter_En_ JUNUIYA YAAFRIKA MASHARKI 屋 EAC Tech nizal Team Tech2_RW Tech2_ RW"May be an image of 3 people, television, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here