MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex oo laga hirgelinayo xaruntii bangaariyada.
Mashruucan waxaa uu ka kooban yahay hotel 5 Star ah oo leh 261 qol, guryo apartments ah, goobo shirarka lagu qabto iyo goobo laga dukaameysto.
Mashruucaan waxaa maal-gelinaya Premier Bank oo sanadihii ugu danbeeyay shaqa weyn ka qabtay adeega bangiga ee bulshada Soomaaliyeed aadka ugu baahnaayen.
Masuuliyiin sare oo Dowlada ka tirsan iyo madaxda Premier Bank ayaa ka wada qeybgalay munaasabada maanta uu Madaxweyne Xasan dhaga xdhigay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku dhutay in mashruucaan la hadal hayay 10 sano islamarkaana maaha wax hada la soo hindisay inkastoo maanta ay suurtagashay in ugu dambeyn la dhaqan geliyo dhagax dhiga.
“ajaanibta kaliya dib u dhac naguma hayaan ee inaga latigena dhibka waan isku heynaa, waadna ogtihiin ganacsatada Soomaaliyeed halka ay lacagahooda geliyeen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan wuxuu ku dhaliilay Soomaalida intooda badan inay jecel yihiin faafinta meelaha aan ku liidano iyagoon soo qaadeyn meelaha aan ku wanaagsanahay.
Guddoomiyaha Premier Bank Jibriil Xasan Maxamed (Qaarey) ayaa ka hadlay islamarkaana faah faahiyay muhiimadda mashuurac Gateway uu u leeyahay dalka.
Gudoomiyaha mar uu ka hadlayay dhulka ay mashruucaan ka dhisayaan ayaa sheegay in Bangiga dhexe ee dalka uu leeyahay balse kaliya iyaga laga kireeyay waqti kooban, marka uu dhamaadana dhulka iyo waxa ku yaal uu yeelanayo bangga dhexe ee dalka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement