OSLO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway u qabteen soo dhaweyntiisa iyagoona taageeray qorshaha Dowlada gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Norwey ,wuxuu ugu horeyn uga mahadceliyay shacabka sida ay usoo dhaweeyeen,wuxuu ku amaanay reer Norwey inay qeyb ku lahaayeen wadadii loo maray in Soomaaliya deynkii caalamku ku lahaa laga cafiyay.
Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab wuxuu la wadaagay guulaha Dowladu ka gaartay dagaalkaasi,sidoo kale wuxuu carabka ku dhufgtay xasilinta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.
Madaxweyne Xasan ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee la kulma Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey taasoo farxad gelisay Soomaalida Norwey.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM