MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlay qidado cusub oo Alshabaab adeegsadaan si ay canshuurta qaadista u sii wadaan madaama Dowladu irdihii ugu badnaa ka soo xirtay.

Madaxweyne Xasan ayaa kashifay oo banaanka keenay in Alshabaab hada la soo baxeen qaab cusub taasoo ah inay adeegsadaan akoomo dad shacaba leeyihiin marka ay rabaan inay canshuur ka qaadaan shacabka gaar ahaan ganacsatada.

Advertisement

“ujeedkoodu waaa inay adeegsadaan wado kasta oo aan lagu xakameyn karin la socodka dhaq-dhaqaaqooda maaliyadeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Mar uu sii bayaaniyay Madaxweynuhu qaabkaan cusub ee Ashabaab la soo baxeen ayuu xusay inay adeegsanayaan akoono ay leeyihiin dadka qaraabada la ah xubnaha Alshabaab

Sida Madaxweynuhu tilmaamay kuwa iska leh Akoonnada  Al-Shabaab ay adeegsadaan marka ay canshuuraha kaga qaadaan goobaha ganacsiga ma oga cidda isticmaasha xisaabaadka bangiyadaas.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here