Muqdisho, Oktoobar 04,2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Alle ha u naxariisto Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke waxuu kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta Waxbarashad dalka iyo dowlad-dhisk.’’

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
DHAMMAAD
May be a doodle of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here