Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dekada Muqdisho halkaasoo ay ka socoto munaasabad lagu soo dhaweynayo Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya.
Markabkaan oo laga leeyahay dalka Turkey ayaa taagan xeebta Degmada Xamarweyne gaar ahaan dekada Muqdisho halkaasoo masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ay ku soo dhaweynayaan shaqada uu u yimid markabkaasi.
Sidoo kale Wasiirka tamarta iyo shidaalka ee Dalka Turkey oo isna maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka qeybgalaya xafladaoo galabta ka socota dekada.
Markabkaan ayaa xeebta Hobyo ee Gobolka Mudug ka bilaabi doona baaritaankiisa dhanka shidaanka iyo gaaska ,waxaana lagu wadaa in Somalia ay dhaqaale badan ka heli doonto shidaalka taasina ay dhabaha u xaari doonto in Dowladu cagaheeda isku taagto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM