MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaiya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw ku biiray  Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo lagu casuumay marti ajaaib ah iyo Soomaali isugu jira ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo labo maalmood ah.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya oo qaban qaabadana wax ku leh masuuliyiinta hogaamiyaha Jaamacadaha Soomaaliya,sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiirada Somalia iyo Safiiro kala duwan.
Shirka waxaa sidoo kale lagu casuumay mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka intiisa kale waxaana looga hadlaayaa xoojinta iskaashiga Ururkaasi marka la eego ku biirista Soomaaliya oo ah dalka ugu dambeay ee ku soo biiray.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 12 people and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here