MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ka hadlay markii ugu horeysay muranka dhashay magaca Degmada cusub ee Daaru-salaam oo dadka deegaankaasi asal ahaan u dhashay ay wataan magac kale.
Wararku waxay tilmaamayaan in kulan uu ku dhexnmaray madaxtooyada gudi ka socda Beesha Mataan Cabdulle oo uu horkacayay Xildhibaan Cusmaan Xaadoole kuwaasoo aad uga soo horjeeda magaca daaru-salaam waxayna doonayaan in magaca Rati-weyne loo bixiyo kaasoo ah magacii qadiimiga ahaa ee halkaasi la oran jirey.
Sidoo kale Beesha Mataan Cabdulle waxay ku andacoonayaan in mamulka reero kale ay sheegayaan xili iyagu dhulka leeyihiin walow ay deegaankaan maalgashteen beesha Dududble kuwaasoo markii ay quruxsadeen kadib hadana Dowlada ka iibiyay in Degmo loo aqooonsado.
Madaxweyne Xasan ayaa Odayaasha Mataan Cabdule wuxuu u sheegay inaaney jirin wax magac la badalaayo islamarkaana magaca daara-salaam aanay Dowladu wax ka qaban karin.
Madaxweynaha wuxuu odayaasha iyo Xaadoolaba u sheegay ka hor inta Dowladu aqoonsan Daara-salaam iyo ka horba wax buuq ah iyo wax is haysad ah midna ka jiri jirin deegaankaasi sidoo kalana wax magac isku heysana jirn, sidaas daraadeed Dowladu xiligaan aysan u muuqdan wax dhibaato ah.
Kulankaan iyo mowqifka Madaxweyne Xasan ayaa macquula inay xal u noqota xiisada meesha ka jirtay islamarkaana odayaashu garowsadaan talada Madaxweynaha oo ah si nabad ah lagu wada noolaado.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM