MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Khudbadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay sida arinta Itoobiya ,canshuuraha ganacsatadu diidan tahay.bajaajleyda cabashada qabta iyo arimo kale.

Mar uu ka hadlay wada-hadalada Somalia iyo Itoobiya ayuu madaxweynuhu cadeeyay in Itoobiya diyaar u ahayn si sharciga waafaqsan inay u raadiyaan marin biyood ay kala soo degaan alaabaha ay banaanka ka rabaan.

Advertisement

“Itoobiya waxayba diidan tahay inay aqoonsato in dalkeenu yahay qaran jira waana taas Sababta aan Ankara uga soo kala tagnay”.ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh

Madaxweynaha wuxuu cadeeyay in shirkii Ankara uu bur-burey madaama Itoobiya heshiis iska daaye aysanba xitaa aqoonsaneyn jiritaanka Soomaaliya.

“dadka Soomaaliya mid aan rabo inay nala fahmaan waa damaca Itoobiya , dad baa mooda inaan dano siyaasadeed ka leenahay waxa socda ma jirto ,soomaaliya waa dal xor ah ,itoobiyana hadey heshiis diiday iyo in la ilaaliyo qaanuunka caalamka  anaga ma aqbaleyno rabitaankooda”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday arinta cabashada bajaajleyda oo aaminsan in lacago canshuurta ka baxsan lagu dhibayo oo  ay ka shaqeysan la’yihiin.

“Raali kama aha Dowladda Federalka Soomaaliya wax dhib galinaya dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta, waxaan rabnaa inay shaqeystaan, noolaadaan madaxooda oo kor jira”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha wuxuu carabka ku adkeeyay in loo soo gudbiyay waxyaaaha ay bajaajleyda dhibsadeen islamarkaana qaarkood laga xaliyay inta dhimana laga xalin doono.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay qorshaha Dowlada ee habka doorashooyinka ay noqon doonaan wuxuu mar kale ku celiyay inay ka go’an tahay inaan lagu laabaneyn teendhadii islamarkaana shacabku codkooda ku dooran doonan madaxweyne ee gudoomiye degmo.

“Dalkaan waa kasoo gudbay doorasho dadban wixii hadda ka dambeeya waa Qof iyo Cod oo dalka oo dhan ka dhacda”.ayuu yiri Madaxweynaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here