No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goo dhaw oo barqadaan ah si rasmi ah ka furmay Magaalada Muqdisho kalfadhiga 5-aa ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka soo qeybgalay gudoonka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed.

Advertisement

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa furey kalfadhiga 5-aad waxaana socda khudbada madaxweynaha waxaana uu ka hadlay arinta Somaliland iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod

Madaxweynaha wuxuu Somaliland ugu baaqay walaalnimo iyo ehelnimo iyo in si wada-jir  loo ilaashado midnimada iyo hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale bogaadiyay Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ku howlan daminta colaad beeleedyada uu madaxweynuhu xusay in looga mashquulinayo horumarka dowladnimo.

Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay inuu furan yahay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka, faahfaahinta khudbada madaxweynaha wararkeena danbe ayaad ka heli doontaan nsha Allaah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hadalo kooban jeediyay ka hor madaxweynaha khudbadiisa wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen dib u eegista Dastuurka iyo meel marinta dastuur dhameystiran marka la eego qodobada qaarkood.

“Baarlamaanadii naga horeeyay kuma aysan guuleysan dib u eegista Dastuurka ,anagaa ku guuleysanay, waxaana u mahadcelinayaa xildhibaanada sida ay saaka uga soo qeybgaleen kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka”ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here