MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw  oo saaka ah, saacaduna ahayd 10-ka barqanimo soo gaaray Fagaaraha daljira dahsoon ee Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo xubnaha kale ee Dowlada.

Guud ahaan wadooyinka u dhaw dhaw Daljirka ayaa saaka la xirey iyadoo la diiday xitaa dadku inay socdaan gaadiid iskaba daaye si amniga dabaal dega 1-da luulyo  loo xaqiijiyo.

Advertisement

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu isla hada khudbad jeediyo marka ay soo dhamaato salaan sharaf uu ka qaadanayo ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa dabaal dega saaka ka qey-bqaatay diyaaradaha hela-kobtariska oo ay leeyihiin ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaasoo la arkaayay waraaqo iyagoo  cirka ka soo daadinaya.

Sidoo kale dabaal-dega maalmaha xoriyada wuxuu ka socdaa garoonka Wiish Stadium ama banaadir Satadium ee Degmada C/casiis halkaasoo shacabku ku sii qul qulayaan.

khudbada madaxweynaha iyo wixii soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon kartaan Insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here