WARGAADHI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada  Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw dib ugu laabtay furumaha dagaalka gaar ahaana Gobolka Shabeelaha dhexe.

Mdaxaweynaha iyo Saraakiil la socota ayaa gaaray deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe si uu halkaasi uga bilaabo dar dar gelinta  dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.

Advertisement

Kulan degdeg ah ayuu la yeeshay saraakiisha Ciidamada Dowlada si durba loo qaabeeyo weeraro ka dhan ah Alshabaab gaar ahaana looga saaro deegaanada ay wali ku danbeeyaan.

Sidoo kale Saraakiisha oo u badan kuwa gobolka ka howlgala ayuu ka dhageystay  warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha wuxu xamar uga safray mid ka mida diyaaradihii heylakobtarada ee dhawaan Dowladu keensatay kuwaasoo shalayna ka qeybqaatay dabaal dagii xuska 1-da Luulyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here