MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-gelaya munaasabadda sanad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Jaamacadda SIMAD.

Munaasabadaan oo Caawa Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Madaxweyne Xasan,Duqa Muqdisho,Gudoomiyaha Jaamacada Simad iyo Masuuliyiin kale.

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr meelood ka hadlay isagoo u hambalyeeyay ardeyda iyo maamulka Simad.

“Miisaaniyadda Jaamacadda SIMAD waa dhowr iyo toban milyan oo dollar, waxayna ay ku gaartay tayada ardaydeeda iyo horumarka ay sameeyeen.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan .

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo isna ka hadlay munaasabada ayaa u hambalyeeyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda SIMAD.

May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, lighting, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 6 people, dais and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here