NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Nairobi ayaa halkaasi ka sii wada kulanada uu la leeyahay masuuliyiinta kala duwan.

Madaxweyne Xasa  caawa wuxuu  kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Advertisement

Madaxweyne Xasan wuxuu  masuuliyiinta Bangiga  Afrika kala hadlay mowqifka Somalia ee horumarinta dhaqaalaha.

Dr.Xasan Madaxa Bangiga Afrika wuxuu u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, isagoo ugu baaqay inay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda.

“Waxaan idinku boorineynaa inaad dadaalkiina badisaan si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here