Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Advertisement

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here