BEIJING (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Shiinaha ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo uu la leeyahay Madaxweynayaasha Afrika ee kula sugan Magaalada Beijing ee Xarunta Dalka Shiinaha.

Madaxweyne Xasan wuxu la kulmay dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki waxayna ayaa ka wada hadleen arimo dhowr ah sida  xoojinta xiriirka labada dal xili ciidamo badan oo Soomaali ah ay tababar u joogaan Magaalada Asmara ee xarunta Dalka Ereteriya.

Advertisement

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka taasoo ku soo aadeysa xili xiisad dagaal ay ka dhex oogan tahay Somalia iyo Itoobiya oo dooneysa inay boobto hantida Soomaalida.

Labada Madaxweyne waxay sidoo kale lafa gureen ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro Alshabaab  iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people, dais and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here