Hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday horjoogeyaasha sare iyo xubnaha kooxaha Kooxdq Daacish (ISIS) ayaa ka dhacay buuraleyda gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo bogaadiyay hawlgalka ayaa yirri “Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo gobolka guud ahaan, waxaan si qoto dheer ugu mahad celinaynaa dowladda Mareykanka”

Advertisement

“Howlgalkan waa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda hoggaanka iyo awoodda hawlgal ee ISIS, taasoo si toos ah u dhaawacaysa kartidooda fulinta falalka argagixisada” ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Beegsiga shaqsiyaadka muhiimka ah ee dagaalka waxay xoojinaysay sida Soomaaliya iyo Mareykanka ay uga go’an tahay sugidda amniga, xasilinta gobolka, iyo ka hortagga fiditaanka kooxaha xagjirka ah si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysay dadaallada iyo ka go’aanaanta adag ee Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada, waxayna adkaynaysay sida ay uga go’an tahay wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah si looga hortago halista argagixisada. Wadajir, waxaan u sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha xagjirka ah, xoojinta hawlgallada amniga, iyo dhisidda mustaqbal xor ka ah argagixisada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here