Madaxweyne Xasan Eritrea ayuu ka dagay.
Eratereeyaanku in ay aad u careeysanyihiin waxeeyna hoggaanka soomaaliya u arkaan ragaan qoor iyo xero laheeyn oo aan dartood dakano iyo hiil toona loo geli karin.
Waa safarkiisii 13-aad ee uu madaxweynuhu Eratereeya ku tago muddo 30 bilood gudahood ah waana dalka ugu badan dunida ee uu booqday markii dal-dal loo tiriyo— taas oo macnaheedu yahay inuu madaxweynuhu Asmaro u safaro ugu yaraan halmar saddexdii bilood-kasta.
Horay madaxweynuhu markii uu bannaanjoogga ahaa waxaa looga diiwaangaliyay hadallada hoos ku qoran:
• Afawaarki annaga wax uu waligiis na taray yaa ii sheegi kara?
• Hal school, hal isbitaal iyo hal M.C.H oo ay Eretereeya noo dhistay ma aragteen?
• waligeed maalin beey saldhig na siisay [2007) nooma siin nabad darteed’e markii la yiri nabad qaadanaa (2008) waa kuwii na yiri naga baxa.
• Wiilashii Eratereeya la geeyay waa la iibsaday adigu maxaad kaloo ku tilmaami kartaa — waa la iibsaday markii Eritareeya la geeyay.
Hadda Eratereeyaanku waxeey dowladdaan u tabbobareen ciidan 5,000 ka badan.
Taariikhahaan taxanaha ah ee aan naxariista laheeyn soomaalidii gaar ahaan Jaalle Hawiye iyo Jaalle Daarood waa igu neceen’e armaan sheegisteeda iska dhaafaa- maya-bee?..