MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo mar kale ka hadlay khilaafka Somalia iyo Itoobiya ayaa si cad u sheegay in isagu marna diidin in Itoobiya bad hesho balse waxa la isku hayo ay yihiin wadada loo maraayo.

Madaxweyne Xasan wuxuu xusay in la marin habaabiyay khilaafka Itoobiya iyo Somalia kaasoo yimid markii Itoobiyaankui soo fara-geliyeen madax banaanida dhuleed ee Somalia.

Advertisement

“waxaan cadeynayaa in Itoobiya aanan bad u diidin balse kaliya aan isla fahmi weynay qaabkii aan u siin lahayd”ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu rabo inay Itoobiya bada ku soo gaarto sida Uganda ay ku soo gaarto Badda Kenya ugana faa’iideysato.

“Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba waxaan rabaa inaan u caddeeyo, hadii  Itoobiya rabto inay soo gaarto xeebaha Soomaaliya, waan soo dhoweynaynaa, Waxaan rabnaa inay usoo gaarto sida ay Uganda usoo gaartay xeebaha Kenya, sida ay  Ruwanda iyo Burundi u gaaraan xeebaha Tanzania, “ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Itoobiya inay ku soo laabtaan adaabta wanaagsan ee dalalka darisku wax u kala qaataan.

Wuxuu  carabka ku adkeeyay in Somalia marna aqbali karin sida Itoobiya wax u raadineyso.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XOG | Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho aan la shaacin  ku tagay Itoobiya?

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here