Madaxweyne Trump oo joojiyay shaqadii Warbaahinta VOA-da

May be an image of text that says "Voice of America ® R"WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald  Trump ayaa gabi ahaanba joojiyay shaqadii Idaacadaha iyo TV-yada codka Ameerika iyadoo ay ku jirto qeyb-ta ku hadasha afka Soomaaliga.
Madaxweyne Trump amrkaan uu ku joojinayo ama ku xadidayo  shaqada VOA iyo hay’ado kale ayaa saxiixay  jimcihii ,wuxuuna si gaar ah u amar u dul dhigay waaxda mas’uulka ka ah warbaahinta dowladda Mareykanka ee Voice of America (VOA).
Sidoo kale  Trump wuxuu joojiyay shaqada lix hay’adood oo kale xili tan iyo markii dib loo doortay uu waday ol-ole isbadalo waa weyn loogu sameynayo xitaa macaamilka dunida uu la lahaa mareykanka sida dhaqaalihii bilyaniska ahaa ee Ameerikaanku ku bixin jiray kaalmeynta dalalka dunida sida Afrika oo kale.
lama yaqaan saameynta warbaahineed ee dunida ku yeelan doonto amarkaan Trump waliba Somalia marka la eego saameynta ay yeelan doonto laantii afka somaliga oo wariyayaal badan oo Soomaaliyeed ay ka xamaashaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here