Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoo ka soo dhaqaaqay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulkiisa.

Socdaalka Madaxweyne Qoor-qoor ayaa la sheegay inuu la xiriro martiqaad uu ka helay Safaarada Maeykanka ee Magaalada Muqdisho,waxaana warar ku dhaw dhaw Galmudug ay sheegayaan inuu la kulmay Safiir ku xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Advertisement

Warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha lagala hadlay arinta hubka dhawaan galay gacanta shacabka reer Cabud-waaq ee Gobolka Gal-gaduud.

Wararku waxay intaasi ku darayaan inuu warbixin ka siiyay hubkaasi halkuu ka yimid iyo sida uu gacanta shacabka u galay.

Qoor Qoor waxaa la sheegay inuu siiyay safiirka xogta uu ka hayay sida arintaasi ku dhacday iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu siiyay xog ku saabsan dadkii hubkaasi kala yimid Itoobiya iyo ujeedka ay ka lahaayeen inkasto warar sugan aysan ahayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here