Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in deganaada Galmudug ay diyaar u yihiin inay ka qabsoomto Doorashada Qof iyo Cod.
Qoor Qoor waxa uu ku tilmaamay Doorashadii dadbaneyd mid hubanti la’aan ah oo aan lagaraneynin meesha ay Soomaaliya u waday, waxaana uu ku micneeyay doorasho Suuq madow ah oo muddo 24 sano soo socotay ayna Soomaalida ka daaleen.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku faanay inuu marka uu safrayo uu lugeeyo ilaa 700 Km oo degaanada Galmudug ah sidaas darteedna ay cadahay in degaanadaasi laga qaban karo doorasho Qof iyo Cod.
Qoor Qoor waxa uu carabka ku adkeeyay inay hirgalin doonaan wixii ay Dowladda Dhexe Soomaaliya kula heshiiyeen ee ah in Doorasho guud oo dadka hogaankooda ay kusoo doortaan la qabto.
Galmudug waxay qeyb ka aheyd shirkii madasha oo ay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay ku saxiixdeen magaalada Muqdisho laguna go’aamiyay in doorasho Qof iyo Cod guud ahaan Soomaaliya laga qabto inkastoo ay ka maqnaayeen kaliya Maamulada Jubaland iyo Puntland.