LUUQ (DAYNIILE.COM)-Odayaal iyo waxgarad kaashanayay Maamulka Jubaland ayaa dhex dhexaadin u sameeyay labada beelood oo dhawaan ku dagaalamay Magaalada Luuq ee Gobolka Geedo.

Wada-hadal iyo isu gar dhigasho socoto dhowr asbuuc ayaa ugu dambeyn waxaa laga soo saaray qodobo labada beelood ku heshiiyeen.

Advertisement

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubaland ayaa akhriyay qodobada heshiiska ee lagu soo afjaray colaadii labada Beelood u dhexeysay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mida in sharciga la hor geeyo 8 ruux oo lagu eedeeyay inay colaada ku lug leeyihiin kuwaasoo magacyadooda la gaarsijn doono maxkamadaha awooda u leh inay talaabo ka qaadaan.

Sidoo kale dagaalada oo sedex maalin dhacay ayaa maalintii kowaad waxaa la saaray eeda Beesha Macalin-weyne ee Digil iyo Mirifld halka labadii maalin ee danbe eedeeda la saaray beesha Reer Xasan ee Mareexaan.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay in hantidii ku burhurtay suuqii la gubay loo aqoonsado masiibo qaran laakiin dib loogu habeeyo dadki lahaa tukaamadii gubtay lana qiimeeyo sidii loo kala lahaa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here