
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.
Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada deegaanka ku boggaadiyay kaalinta ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo Kooxda Al-Shabaab, isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.
Macawisleyda gobolka Hiiraan ayaa kaalin firfircoon ka qaatay dagaalkii inta badan deegaanada gobolkaas looga saaray kooxda Al-Shabaab muddo haatan laga joogo laba sano.