NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Nairoobi gaar ahaan Xarunta Shirarka caalamiga ah ee KICCa lagu qatay munaasabad lagu dhaarinayay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Dowlada Kenya Prof.Kithure Kindiki.
Munaasabada dhaarta oo lagu qabtay Xarunta Shirarka caalamiga ah Ee KICC ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxwayne William Ruto.
Madaxweyne ku xigeenkii dhawaan xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ayay isku dhaceen Madaxweynaha Kenya iyadoo khilaafkoodu xoogaa soo jiitamay ayaa ugu danbeyn keentay in xildhibaanadu kalsoonida kala laabtaan.
Si kastaba arimahaan ayaa imaanaya xili shalay guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah ay gabi ahaanba meesha ka saareen amarkii maxkamadda ee lagu hor istaagay dhaarinta Kindiki.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM
Advertisement