DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay gaarey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuutii.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa garoonka diyaaradaha caasimada dalkiisa wuxuu ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron.
Xaaladda Badda Cas iyo geeska Afrika ayaa la sheegay inay u waa weyn yihiin qodobada labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan mudada kooban ee uu Madaxweynaha Farsiinsiisku uu joogo dalka Jabuuti.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sidii hore loo shaaciyayba wuxuu Jabuuti kadib booqan doonaa Dalka Itoobiya isagoona Magaalada Adis-ababa kula kulmi doona Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement