MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay marka muda xileedkiisu dhamaado inuu mar kale isasoo sharaxayo iyo inuu ka tanaasulayo arimahaasi.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waqti xaadirkaan uusan go’aan rasmi ah ka gaarin inuu mar kale isasoo sharaxayo.
“Wali ma go’aansan inaan Musharax noqdo, hada waxaan xooga saaray dhanka amniga” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Wuxuu intaasi ku daray inuu shaacin doono go’aankiisa marka doorashada xiligeeda la gaaro, sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay ku xirnaan doono go’aankiisa had-ba siyaasada halkeey mareyso.
Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay inuu xooga saarayo sidii dalka uu uga dhici lahaa doorasho qof iyo cad oo Dowladiisu ku talo jirto inay hirgeliso.
Xassan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahin Kenya laga leeyahay ayaa mar uu ka hadlayay amniga wuxuu sheegay in wax badan ay u qabsoomeen madaama ololohiisii musharaxnimada ay ku jirtay inuu kooxda alshabaab dagaal la galo.
“markaan madaxtooyada ku soo laabtay 2022 waxaan ku guuleysanay inaan hagaaajino amniga Muqdisho oo qaraxyadu bil kasta dhici jireen hada aad bay u yaraadeen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo intaas ku daray in Muqdisho amnigeeda ay qeyb ka qaateen dhismooyinka daaraha dheedheer ee xamar ka socda iyo maalgashiga socda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM