Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari aysan jirin cid ka caawisay illaa iyo haatan, marka laga reebo duqeymaha dhinaca cirka.

“Xabbad kiniini ah cidna kuma darsan howlgalka aan kula dagaalamayno Daacish,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Advertisement

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Puntland ay ku jirto xaalad adag oo ay kaligeed la tacaalayso, isagoo baaq u diray qurbe-joogta reer Puntland inay garab istaag u muujiyaan dagaalka ka dhanka ah Daacish.

“Puntland waxay go’aansatay iyada shacabkeeda inay isku tashadaan. Ciddii wax ku biirinaysa diidimayso, wayna soo dhoweynaysaa. Laakiin, cid baa wax nataraysa gacmaha u laaban mayno. Qurbe joogta waxaan rabnaa inay soo dadajiyaan taageeradooda oo ay iska daayaan shirarka ay ku mashquulsan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Deni wuxuu xusay in dowladdiisu ay qarash badan ku bixinayso sidii ciidamada Puntland ay guulo uga gaari lahaayeen dagaalka, isagoo tilmaamay in goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin dhul adag oo u dhigma kuwa buuraha Afgaanistaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay in Puntland laga ciribtiro kooxda Daacish.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here