HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Gobolada Waqooyiga Somalia ee Somaliland C/raxmaan Cirro iyo Shirguddoonka Labada Gole Baarlaman ayaa ka shirey xaaladaha dagaalada ka jira Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.
War qoraala oo la soo dhigay baraha bulshada Maamulka Somaliland ayaa lagu baahiyay in Madaxweyne C/raxmaan Ciiro uu arinta dagaalada kala hadlay Gudoonka Labada Golle (Guurtida iyo Wakiilladda) Saleebaan Maxamuud Aadan Iyo Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo sidoo kale  Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.
Madaxweynaha iyo masuuliyiinta uu la kulmay waxay wax iska waydiiyeen sidii tallo guud uga yeelan lahaayeen Dagaalada ka jira  Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag iyo sidii xasiloonida Bulshada loo adkayn lahaa.
Kulankan wuxuu ku soo aadayaa xili shalay galab dagaaladu dib uga qarxeen aaga Ceeri-gaabo halkaasoo dhinacyaduna guulo iyo maxaabiis la qabtay ka wada sheegteen.
Dhanka kale Madaxweyne Cirro madaama dhawaan uun ku guuleystay xilka wuxuu uu Hay’adaha kale sida baarlamaanka iyo garsoorka u balan qaaday inuu la yeelan doono wada shaqayn wanaagsan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 5 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here