DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Masar C/fataax Alsiisii oo shalay booqasho ugu tagay dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa arimo kala duwan kala hadlay kadib kulan ay ku wada yeeshen madaxtooyada Jabuuti.
Labada Masuul waxay ka wada hadleen amniga badda cas iyagoona ku heshiiyay in mas’uuliyada amniga ay ka masuul yihiin dalalka xuduudka la leh biyahaas.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti loo ahaa ayaa saxaafada u sheegay in arimaha ay ka wada hadleen isaga iyo dhigiisa masar ay sidoo kale ku jirtay arimaha soomaaliya iyo mida Dalka Sudan.
“Waxaan isla soo qaadnay marinka Babel-Mandeb ee isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed iyo Ganacsiga xorta ah ee ka jira marinka muhiimka ah ee Badda Cas”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar geellee
Si kastaba kulanka Labada Masuul ayaa ku soo aadaya xili colaad baahsan ay u dhexeyso dalalka Masar iyo Itoobiya oo daris la ah dalka Jabuuti.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM