RIZE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka socda marinka Qaza ee Yuhuudu ku xasuuqeyso shacaba Muslimiinta ah ee reer Falastiin.
Erdogan wuxuu si cad u sheegay inay ciidamo u dirayaan marinka Gaza si ay u difaacaan shacabka reer Falastiin.
“waxaan galeynaa Falastiin si la mid ah sidii Ciidamadeenu Liibiya u galeen”ayuu yiri Madaxweyne rdogan inkastoo uusan howlgalka hada sii sharxin qaabka uu nqo
Madaxweynaha ayaa shalay hadalkaan ka jeediyay munaasabad uu kaga hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.
Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in Dalkiisu awood muujinayaan si ay tallaabadaasi u qaadaan islamarkaana Yuhuuda uga hor istaagaan gumaadka ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM