Madaxwaynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga waddankaasi Turkiga.

Guddoomiye Saadaq Cumar ayaa Madaxwayne Erdogan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Waddanka Turkiga Erdogan ayaa xubnaha wafdiga kaga mahadceliyay booqashada ay ku joogaan Dalkaasi, isaga oo ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay wadaan ee la xiriirta xoojinta xiriirka walaalnimo ee labada Baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Wadanka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka dalka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.May be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here