Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu dhisi doono ciidan millateri ah oo si fiican u tababaran, hub casri ahna ku qalabaysan.
Madaxweynaha oo shir la qaatay saraakiisha ugu sarraysa millateriga Somaliland ayaa sheegay in uu hayo waddadii lagu dhisi lahaa ciidan casri ah oo ay Somaliland yeelato.
“Waxaan ololaha ku galay in la helo dhismo ciidan qaran oo leh tababarradii ugu dambeeyay, isla markaana ku qalabaysan hub casri ah, kuwaas oo awood u leh amniga xuduudaha, cirka iyo badda Somaliland. Hadafkayga koowaad waa dib u haybaynta iyo casriyaynta awoodda ciidanka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in ciidanku uu muhiim u yahay in la helo dowlad laga haybaysto oo sharaf leh, sidaas oo ay tahayna uu fulinayo ballanqaadkiisii ahaa in uu mushaarka askarta kordhin doono 200%, isla markaana uu ku hawlanyahay qorshaheeda.
Waxa uu sheegay in uu ku hawlanyahay samaynta xeerarka muhiimka u ah dhismaha ciidanka, dhisidda ciidamo cir iyo kuwo kayd ah, iyo in la qarameeyo ciidamada madaniga ah ee ka samaysmay gobollada bariga Somaliland kadib dagaalladii halkaa ka dhacay labadii sano ee lasoo dhaafay.
Somaliland ayaa isku dayaysa in ay dhisato ciidan millateri oo u babac dhigi kara difaaceeda, kadib markii millaterigu uu dib u dhacyo badan la kulmay sannadihii u dambeeyay, dib u dhacaas oo sababay in laga soo saaro badiba gobolka Sool.