Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo dib u habayn ku samayn doona ciidamada kala duwan.
Guddidan oo ka hawlgali doonta hawlaha horumarinta ciidamada ayaa kala ah Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Maaliyadda, Caddaaladda, Kalluumaysiga, la-taliyaha Amniga, iyo la-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha.
“Waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhamaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay hawshani,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa amray taliyayaasha ciidammada kala duwan in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawsha loo xilsaaray, oo ay ka mid tahay in ciidanka tirakoob buuxa lagu sameeyo, isla markaana tayadooda kor loo qaado.
Madaxweynaha ayaa 50% kordhiyay mushaarka ciidammada isaga oo amray in tirakoob rasmi ahna lagu sameeyo iyada oo la sawirayo bu’da isha askarta. Sidoo kale, waxa uu u ballanqaaday tababaro iyo qalab casri ah