Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo jeediyay in xal diblomaasiyadeed lagu xaliyo xaaladda Qaza kahor inta aan wax go’aan ah laga gaadhin.
Madaxweynaha oo waraysi siiyay Sky News Arabia, isla markaana wax laga waydiiyay dib-u-dejinta la sheegay in Madaxweyne Trump uu doonayo in qayb ka mid ah Falastiiniyiinta lagu soo dajiyo Somaliland, ayaa sheegay in dowladda Maraykanku aanay soo gaadhsiinin war rasmi ah oo la xidhiidha arrintaas.
“Somaliland waxay rabtaa in ay xidhiidh wanaagsan la yeelato Maraykanka, si ay uga hesho taageero dhaqaale, millateri, iyo diblomaasiyadeed. Laakiin Somaliland wax wada-tashi ah oo la xidhiidha qaxootiga Falastiin kalamay yeelan Maraykanka, go’aan kastana wada-tashi ayaa ka horreeya,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa taageeray xuquuqda dadka reer Falastiin, wuxuuna xusay in ay muhiim tahay in xaaladda lagu xalliyo go’aan ay waddamada Carbeed ku midaysan yihiin. Wuxuu intaa ku daray in Somaliland ay xidhiidh wanaagsan la leedahay waddamo dhowr ah oo Carbeed, sidaas darteedna ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato arrimaha gobolka.
Madaxweyne Cirro oo dhawaan ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka oo ka dhacay Dubai, ayaa sheegay in Somaliland ay u jihaysanayso horumarinta dhaqaalaheeda iyo in ay xoojiso xidhiidhada ay la leedahay dowladaha Carbeed iyo caalamka.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo in dadka Falastiiniyiinta laga raro Qasa, isla markaana dib u dejin loogu sameeyo waddamo kale, inta kadib qaar kamid ah warbaahinta Isra’iil, ayaa sheegay in Falastiniyiinta loo rari doono Somaliland iyo Puntland.