Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku amray wasaaradaha iyo hay’adaha in ay dakhliga ku shubaan Wasaaradda Maaliyadda oo keliya, isla markaana ay u shaqeeyaan si daahfuran.
Madaxweynaha oo guddoominayay shirka Golaha Wasiirrada ayaa yidhi, “Hay’adaha dakhliga qaada ee qaranku waa inay noqdaan qaar daahfuran. Dakhligana, sidiisaba qofka soo saaraa ma kharash gareeyo. Waa in dakhliga lagu shubaa Wasaaradda Maaliyadda, dabadeedna uu bajad dalbado.”
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Wasaaradda Duulista iyo Hawada, oo hormuud u noqotay nidaamka cusub ee dakhli wareejinta. Wuxuu faray dhammaan wasiirrada kala duwan in laga fogaado qaadista lacago aan sharci ahayn, isla markaana aanay galin kharashyo aan ku jirin miisaaniyadda.
“Waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo dakhliga ay qabato aan hore loogu dari jirin miisaaniyadda, balse sannadkan oggolaatay in lagu daro, iyaga oo eegaya daahfurnaanta,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay joojisay cashuur-dhaafyada aan sharciga ahayn ee loo sameeyay shirkado kala duwan sannadihii lasoo dhaafay, amarkaas oo ay fulinayso Wasaaradda Maaliyaddu.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in miisaaniyaddu aanay samayn wax koboc ah sannadkan, isla markaana ay dib-u-eegis ku samayn doonaan lix bilood kadib. Intaa wuxuu ku daray inay xidhiidho wanaagsan la samayn doonaan beesha caalamka oo laga yaabo in dhaqaale laga helo.