
Qoraal maamulka Somaliland uu soo geliyay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in isaga iyo dadkiisuba ay aaminsan yihiin in marka la eego garashada ganacsiga ee madaxweyne Trump ay dhalin doonto inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
“Aniga iyo dadkayguba waxaan rajaynaynaa in garashada ganacsiga ee Madaxweyne Trump ay keeni doonto inuu aqoonsado Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo u warramay wargeyska caanka ah ee New York Times. Waxaanu intaas ku daray “Tani waa fursadii ugu weynayd ee aanu helay.”
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta wargeyska New York Times kaga warramay maanta nabadgelyada iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xusay in Jamhuuriyadda Somaliland dedaal dheer ugu jirto in Maraykanku aqoonsado madaxbannaanideeda oo ay Maraykanka u soo bandhigtay inay siin doonaan saldhig millatari oo istaraataji ah oo ku yaalla madaarka Berbera.
Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Somaliland uu booqan doono Washington bilaha fooda innagu soo haya.
Waxa wargeysku xusay in madaxweynaha Somaliland uu Maraykanka u soo bandhigi doono heshiis ku wajahan saldhig millatari iyadoo xeebta Somalilabd dhererkeedu yahay 500 Mayl.